U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Hirshabeelle?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa kala sixiixday heshiis ay wada gaareen labada dhinac,

Qoraal ka soo baxay guddoonka Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur “Gacal”ayaa lagu sharaxay qobo ay labada dhinac ay ku gaareen heshiis sida lagu xusay qoraalka:

1. In labada baarlamaan ee Galmudug iyo Hir-shabelle ay yeeshaan iskaashi iyo wada shaqeyn joogto ah.

2. In si wadajir ah loogu hambalyeeyo lana bogaadiyo shacabka iyo maamulka gobalka Benaadir oo helay xuquuqdii ay ku lahaayeen matalaada Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka, loona mahad-celiyo Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha federaalka oo u galay dadaal dheer, kana mira dhaliyey.

3. In si wadajir ah loo bogaadiyo gacanna lagu siiyo golayaasha federaalka iyo guddiga doorashooyinka Qaranka, dadaalka ay ugu jiraan sidii dadka Soomaaliyeed ay usoo dooran lahaayeen wakiilladooda ku matalaya labada Aqal ee barlamaanka federaalka, loogana gudbi lahaa doorasho dadban oo dambe.

4. In wadajir looga qeyb-galo shirka Madaxweyne Farmaajo ku casuumay Madaxweyne-yaasha dawlad gobaleedyada 5-ta illaa 8-da bishan Luulyo, kana soo baxaan go’aanno dadka iyo dalka Soomaalyeed u aayaan.

5. In lasii wado kulamadii iyo shirarkii is kaashi ee golayaasha xeer-dejinta federaalka iyo dawlad gobaleedyada, lana fuliyo heshiisyadii horay loo wada gaaray.

Heshiiska labada guddoon Baarlamaan Hirshabeelle iyo Galmudug oo ah kii ugu horeeyey oo ay yeeshaan ayaa waxaa uu ku qotomay taageero loo fidiyey mataallada gobolka Banaadir ee Aqalka sare Baarlamaanka soo socda.

Goobjoog News