U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Guddoonka Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Safiirka Taliyaaniga?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa waxay kulan muhiim ah la qaateen danjiraha dalka Taliyaaniga Amb. Alberto Vecchi.

Danjiraha ayaa xusay kaalinta ay ku lee dahay Dowladda Talyaaniga mashaariicda horumarineed ee wadamada EU-da ka fuliyaan dalka, ahmiyad gaar ahna siin doonaan wada shaqaynta golaha sharci dejinta sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in dowladda Taliyaaniga ay soo dhoweyneyso gabdhii ugu horeysay oo noqata Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Guddoomiyaha ayaa ammaanay doorka horumarineed ee lama ilaawaanka ah ay ku leeyihiin dowladda Taliyaaniga Dowlad dhiska dalka in uu yahay mid soo jireen ah oo Taariikh facweyn ku leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana kulankaan uu soo aadayaa iyadoo dalka dhowaan uu kasoo baxay marxalad doorasho.

Goobjoog News