U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Midowga Musharraxiinta Iyo Guddoomiye Muuse Geelle?

Sheeko:Baarlamaanka

Midowga Musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federal Muuse Geelle Yuusuf, waxaana kulanka ku wehlinaayey xubno ka tirsan guddiga, iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa intii socday ayaa waxaa labada dhinac ay isku soo qaadeen dedejinta doorashooyinka iyo dhaqan gelinta jawalkii dhwaan uu guddigu soo saaray ee dhammeystirka doorashooyinka,  waxaana goluhu ay sheegeen in aad looga fogaado inuu dhaco firaaq Dastuuri ah.

Kulanka ayaa waxaa xubnihii joogay ee Midowga qeyb ka ahaa madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Guddiga ayaa dhowaan waxaa uu soo saaray jadwalka dhamaystirka doorashooyinka xildhibaannada golaha shacabka, kaas oo ku qotomay waqtiga la siinayo shahaadada xildhibaannimo iyo waqtiga dhaarinta oo guddigu ka dhigay 14-ka April 2022, walow madaxda maamullada qaar ay ka hor yimaadeen Jadwalkaas.

Goobjoog News