U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Rooble iyo Guddiga Doorashooyinka FEIT?

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Guddoonka Guddiga Doorashooyinka heer federaal ee FEIT iyo xoghayeyaasha guud  labada aqal ee BJFS.

Kulanka ayaa waxaa uu ku qotomay in la dedejiyo  qorshaha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannada labada aqal si waafaqsan jadwalkii guddiga FEIT uu horay u soo saaray iyo in waqtigii loo asteeyey lagu dhaariyo.

Guddoonka Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer federaal ee FEIT ayaa lafilayaa in 14 Bisha Abriil 2022-ka ay soo gaba gabeeyaan dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya ee lasoo doortay.

Guddiyadii maamulay doorashada labada aqal ee Maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland iyo gobolada Waqooyi ayaa soo gudbiyey xogta iyo agabkii doorashada xildhibaannada cusub ee lasoo la doortay.

Maamullada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa waxaa aysan wali soo gabagabaynin doorashada xildhibaannada golaha shacabka, kadib xasarado  siyaasadeed oo dib u dhigay doorashooyinka Garbahaareey iyo Baladweyne.

Goobjoog News