U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Rooble iyo Guddoomiye Dhabancad?

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu xafiiskiisa kulan kuula  qaatay  Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka  Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ay ka wadahadleen howsha doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Doorashooyinka labada Guddoon ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa loo balansan yahay in la qabto maalmaha fooda inagu soo haya, waxaana uu Ra’iisul wasaaraha u rajeeyay Guddoomiyeyaasha KMG ah ee Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare in uu Alle u fududeeyo howsha loo igmaday.

Guddoonka labada gole ee golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kala dhacaan 26-ka  bisha April iyo 27-ka oo ah maalmaha loo kala asteeyay, waxaana soo horaysa doorashada guddoonka aqalka sare oo qabsoomaya 26-ka halka golaha shacabka uu dhici doona maalinta kale ee 27-ka April.

Goobjoog News