U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Rooble iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho kula  kulmay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sacdiyo Yaasiin Xaaji.

Kulanka ayaa waxaa inta badan looga hadlay  u diyaar garowga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maalmo kooban ka harsan tahay waqtiga loo asteeyay doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Labada Aqal u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday, waxaana lagu 15-ka May in Baarlamaanku doorto madaxweynaha dalka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa qabanqaabadii ugu dambeysay ee ku aadan doorashada madaxweynaha, waxaana maalinta barri musharraxiintu jeedin doonaan barnaamijkooda doorasho.

Goobjoog News