U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Rooble Midowga Musharraxiinta?

Sheeko:Baarlamaanka
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Midowga Musharrixiinta oo ay ka wada hadleen arrimaha dhammeystirka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya, dhaarinta xildhibaannada iyo dhammeynta arrimaha turxaan bixinta u baahan.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Midowga Musharaxiinta warbixin ka siiyay halka ay marayso howsha doorashada, u diyaargarowga munaasabadda dhaarinta xildhibaannada iyo dadaalladiisa ku aaddan xal u helista arrimaha harsan ee doorashada la xiriira.
Waxa uu Ra’iisu Wasaaruhu adkeeyay in ay ka go’an tahay in jadwalka dhaarinta xildhibaannada loo dhaqan geliyo sidii ay u soo saareen guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, isagoo sheegay in dhaarinta xildhibaannadu dhici doonto 14-ka April oo ah xilligii loo qorsheeyay.
Dhanka kale Midowga Musharrixiinta ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dhammeystirka doorashooyinka, waxa ayna hoosta ka xarriiqeen in uusan jirin xal aan ahayn in jadwalka doorashadu u dhaqan galo sidii guddigu doorashadu u soo saaray, 14-ka bishana la dhaariyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad ee dalka, iyadoo lagu dhinac wadayo xal u helista arrimaha taagan.
Midowga Musharaxinta ayaa sidoo kale ku celiyay taageeradooda go’aankii XFS ay dalka kaga ceyrisay ergaygii Midowga Afrika Francisco Madiera oo faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyadda iyo howlihii uu u xilsaarnaa.
Goobjoog News