U bood dhigaalka

Maxkamad Mareykanka Ku Taallo Oo Bilawday Dhageysiga Dacwad Nin Loo Heysto Dilka Muwadin Soomaaliyeed

Sheeko:Caalamka

Marlow Ramsey Carson oo ah muwaadin mareykan ah ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kadib markii lagu soo eedeyay in uu ka dambeyay dilka muwaadin Soomaaliyeed oo dhawaan lagu dilay dalka Mareykanka.

Eedeysane Marlow ayaa maxkamadda Minneapolis  ka hor qirtay in uu ka dambeyay dilka muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabo  Liibaan.

Garsooraha maxkamadda ayaa amray in xabsiga lagu sii haayo eedeysanaha inta ay ka soo dhamaanayaan cadeymaha.

Dilka ayaa la sheegay in uu eedeysanaha u geeystay muwaadinka xilli uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu lahaa, taas oo ku taallay magaalada Minneapolis xilligaas oo uu toogasho ku dilay Carson, waxa uuna dilka dhacay 27 April sanadkaan.

Marka ay soo dhamaato dhageysiga dacwadda ayaa lagu wada in garsooraha maxkamadda uu go’aan ka soo saaro kiisnkaan.

Goobjoog News