U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Laashey Ishor Istaaggii Qareennada Gurbiye, Amartana in La Sheego Dhibbanaha

Sheeko:Baarlamaanka

Maxkamadda gobolka Banaadir  ee qaadeysa dacwada tifaftiraha guud ee Goobjoog Cabdicasis Gurbiye ayaa fadhigeeda maanta waxaa ay ka jawaabtay ishor istaaggii qareennada weriyaha ay sameeyeen talaadadii hore.

Garsooraha kiiska Maxamuud Yaasiin oo hadlayey ayaa sheegay sababaha uu isku horistaagay ishor istaagga qareennada isaga oo yiri ”  Maxamadda marka ay dhageysatay ishor istaagga eedeysanaha taas oo ay ku doodayaan in aan lagu qaadi karin xeerka ciqaabta, sheegayna in dacwaddu tahay mid dastuuri ah sida uu qabo qodobka 18aad ee dastuurka KMG ah ee ah inuu eedeysanuhu yahay saxafi laguna dhaqo xeerka saxaafadda keliya,

(2). Marka ay isku dhacaan xeer guud iyo mid gaar ahna la raacayo xeerka gaarka ah sida uu qabo qodobka 13-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed

(3). in eedeynta xeer ilaalintu aaney waafaqsaneyn in eedeynta xeer ilaalintu aaney waafaqsaneyn qodobka 71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Garsoore  Yaasiin oo sii hadlaya waxaa uu yiri ” Marka ay dhageysatay jawaabta xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka, kuna doodeen in xeerka saxaafadda lagu celiyey golaha shacabka aanu dhaqangal aheyn, (2) In dacwaddu aaney aheyn mid dastuuri ah (3).  In eedeysanaha loo heysto war uu ku qoro akoonkiisa gaarka ah ay sheegeen in eedoodu waafaqsan tahay qodobka 71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Garsooraha ayaa sidoo kale yiri “Maxkamadda marka ay aragtay qodobada 105, 106, 71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, qodobka 18aad iyo 109aad c, ee dastuurka KMG ah, qodobka 5aad xarafka Kh ee xeerka saxafadda iyo qodobka 19aad waxaa u cadaatay:

(1).  In eedda loo heysto eedeysanuhu  aanu aheyn mid dastuuri ah sida ku cad qodobka 109aad c, qodobka 18aad ee dastuurka KM ah waxaa uu sheegayaa xuriyadda ra’yiga iyo afkaarta. (2). Eedda loo soo jeedinayo eedeysanahu ma aha ma aha mid ku saabsan ama la xiriirta warbaahinta Goobjoog ee uu ka mid yahay mas’uuliyiinteeda ee waa mid ku saabsan war uu ku qoray akoonka uu ku leeyahay bartiisa Faceboogga, qodobka 29aad ee xeerka saxaafaddu kama hadlayo shakhsi ee waxaa uu ka hadlayaa warbaahin.

Ugu dambeyntii, Garsoore Maxamuud Yaasiin ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Sidaasi darteed, Mxkamadda gobolka Banaadir waxaa ay diiday ishor istaaggii qareenka eedeysanaha, sidoo kale waxaa ay fareysaa xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka iney soo waafejiyaan eedooda qodobka 71 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed sababtoo ah xafiiska hey’adda xeer ilaalintu dhibbanaha kiiska dhibanaha ka ah kuma cada”.

Cabdicasis Gurbiye waxaa horay loo xiray 14-kii April isaga oo lasii daayey 4 maalin kadib, kiiskiisa oo iskadaba jiitamayey 9o cisho weli waxaa la la’yahay cidda uu u eedeysan yahay taasi oo maanta maxkamaddu amartay in daaha laga qaado.

Maxkamadda gobolka Banaadir ma qaban waqti dambe oo la isku soo laabanayo, laakin waxaa muuqata in kiiska horay loo geli-doonno.

Goobjoog News