U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Ee Nigeria Oo 45 Boko Haram Ah Ku Riday Xukunno Xabsi

Sheeko:Caalamka

Maxkamadda Sare ee Nigeria ayaa xukunno xabsi ah oo gaaraya 3-31 sano ku riday 45 qof oo lagu eedeynayo inay ka tirsanyihiin kooxda Boko Haram.

Sida ay sheegayaan ilo dhanka sharciga ah,  ku dhawaad 1,600 oo qof kuwaas oo lagu tuhmayo inay xiriir laleeyihiin kooxaha Boko Haram ee Nigeria.

Dadkaan ayaa 468 ka mid ah lagu waayay wax caddeyn ah,waxayna go’aansatay maxkamaddu in loo sameeyo dhaqan celin si ay ugu milmaan oo ay ula qabsadaan bulshada.

Madaxda Nigeria iyo xoogagga iskaashiga Afrika ayaa dadaal ugu jira sidii ay u baabi’in lahaayeen Boko Haram, kooxdaan oo weeraro ka wada gobolada waqooyi bari ee dalkaasi.

Xoogagga isku dhafka ah ee Afrika, ayaa ah isbaheysi milatari kaasi oo la aas-aasay bishii May 2015, waxaa uuna ka koobanyahay wadamadaChad, Cameroon, Nigeria,kuwaasi oo la dhibaateysan weerarada kooxaha hubeysan.

Goobjoog News