U bood dhigaalka

Maxkamdda Sare oo Diiday Dacwaddii Fahad

Sheeko:Baarlamaanka

Maxkamdda sare ee dalka oo maalinimadii shalay dhagaystay kiis dacwadeedka Fahad Yaasiin uu ka gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka FEIT ayaa maanta diiday qaadista dacwadda, waxaana qoraal kasoo baxay lagu xusay in go’aan ka qaarista dooorashooyinka Baarlamaanka 11-aad aysan go’aankeeda  laheyn maxkamadda.

Maxkamadda ayaa aqbashay hor-is-taagga garyaqaanka guud oo matalaya guddiga doorashooyinka uu ku xusay in maxkamadda sare ee dalka aysan awood u laheyn cabashooyinka doorashooyinka, maadama ay ahaayeen heshiis yisaadeed  oo lagu dhisay guddiga hirgelinta doorashooyinka iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Garyaqaanka guud ee dowladda Dr. Cismaan Cilmi Guuleed, ayaa maalinimadii shalay ka hor sheegay gudaha maxkamadda in dacwooda uusan u tagin guddiga xalinta khilaafaad oo loo dhisay xalinta wixii khilaaf ah oo la xiriira doorashada, ma jirin  fariin gaartay marjaca ugu dambeeyo ee golaha wadatashiga qaran sida uu xusay.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban FEIT ayaa joojiyay dhaarinta iyo shahaado siinta Fahad Yaasiin oo loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#086, waxaana hakinta lagu sameeyay guddigu u coskaday inaan kursiga doorashadiisa loo marin habraacii lagu heshiiyay heshiiskii doorasho ee lagu soo doortay Baarlamaanka 11-aad.

Goobjoog News