U bood dhigaalka

Mid Kamida Dalalka Bariga Afrika oo Taageeray Dadaalka Soomaaliya Ugu Biirayso EAC 

Sheeko:Caalamka

Dowladda Burundi ayaa noqotay dowladdii ugu horeysay ee taageerta dadaallada madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku aadan safarka uu maanta ugu ambabaxayo magaalada Aruusha ee dalka Tanzania, kaas oo uu ku doonayo Xasan Shiikh in Soomaaliya ay kaga mid noqoto ururka EAC oo ay ku midaysan yihiin wadamada Bariga Afrika.

Diplomaasi  sare oo ka tirsan dowladda Burudi ayaa xusay in dowladdiisa ay taageeri doonto  dadaallada Soomaaliya, kadib marka ay la wareegaan shir guddoonka ururka oo hadda ay hayso dowladda Kenya, Burundi ayaa waxaa ay kamaid tahay dowladdaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeybta ka ah nabad ilaalinta ee ATMIS.

Dalladaan oo la aasaasay 30-kii November sanadkii 1999-kii ayaa waxaa ku midaysan wadamada Burund, Kenya,Congo, Uganda, Ruwanda, Tanzania South Sudan ayaa ku midaysan daladaan , xilligaas oo Soomaaliya aysan laheyn dowlad xoogan, madaxweyne xasan ayaa wada qorshe uu Soomaaliya ugu darayo ururkaan si ay suuq uga hesho.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxaana talada dalka hayay madaxweyne Xasan, Soomaaliya oo laga aqbalo kamid noqoshada dalladaan ayaa waxaa ay u aragtaa fursad dhaqaale oo Soomaaliya wax ku geyn karto suuqyada dalalka ku midaysan EAC oo gaaraya 7 wadan.
Goobjoog News