U bood dhigaalka

Midowga Africa oo Ergay Cusub u Soo Magacaabay Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Ururka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay ergay cusub, isaga oo bedelaya danjirihii hore , kaas oo laga eryay dalka, Mohamed Al-Amine Souef  oo u dhashay dalka Comoros, waxaana uu horay u soo noqday safiir iyo wakiilka joogtada ah ee Jaamadda Carabta, sanadkii 1962 ayuu dhashay, isaga oo wabarashadiisa ku qaatay Pakistan.

Mohamed Al-Amine Souef  ayaa waxaa uu badalay Francisco madeira, kaas oo dalka looga eryay warqad 7-dii April 2022 uu soo saaray Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisukwasaarihii hore, xilligaas oo  ay ka socotay doorashada Baarlamaanka, waxaana lagu eedeeyay inuu ku xadgubay doorashada, xilligaas uu mas’uul ka ahaa Ra’iisulwasaaraha daadihinteeda.

Goobjoog News