U bood dhigaalka

Midowga Iskuullada Gobolka Banaadir oo Qaadacay Imtixaanka Shahaadiga

Sheeko:Waxbarashada

Midowga dugsiya waxbarashada gobolka Banaadir iyo midowga Daldaha waxbarashada ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin Imtixaanka Shaadiga ah ee dugsiyada sare ee Fasalka 12-aad oo 18-ka bisha, wasaaraddu shaacisay in uu bilaaban doono, waxaana ay ballan qaadeen in aysan gali doonin imtixaanka ilaa iyo inta laga xalinaayo tabashooyinkooda.

“Bahda waxbarashadu markii ay arkeen falalka guracan ee lagu baabi’inayo waxbarashada gaarka ah ayaa waxaa ay qabteen 5-tii bisha shirweyne laisaga wareysanaayo dhibaatada heysata waxbarashada gaarka ah, si talooyin loogu jeediyo hey;ada dowladda oo ay kamid tahay in hey’adaha waxbarashada dalka ay joojiyaan falalka ay ku burburinayaan kuna baabi’inayaan waxbabarashada gaarka ah, lagana wada shaqeeyo hormarinta waxbarashada dalka” ayaa  lagu yiri warsaxaafadeedkooda.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri “Waxaa caado u noqotay in ay baal maraan hey’adihii waxbarashada dalka shuruuucdii waxbarasha, xuquuqda waxbarashada gaarka ah, islamarkaan ku howlanburburinta, baabi’inta nidaamka  muumullada waxbarashadu ay sameysteen, Bahda waxbarashada iyaga oo u dhan waxaa ay go’aansadeen in aysan  galin Imtixaanka inta laga xalimaayo culeysyada ku gadaaman.

Dhinaca kale midowga ayaa baaq u diray madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyaga oo ugu baaqay, wax kaqabashada ay muujinayaan ” Waxaan ugu baaqaynaa madaxda sare ee dalka ra’iisulwasaaraha iyo madaxweyne  Xasan Shiikh Maxamuud in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka soo noqnoqday ee heysta bahda waxbarashada” ayaa lagu yiri gabagabadii warsaxaafadeedka kasoo baxay midowga dugsiyada gobolka Banaadir.

Goobjoog News