U bood dhigaalka

Midowga Musharaxiinta oo Muqdisho Kula Kulmay Madaxada Maamullada Qaar

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa xalay Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Midowga Musharraxiinta, kulanka ayaa ka dhacay Hotel Duaale ee ku dhow garoonka Aadan Cadde.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadalay arrimaha la xiriira doorashooyinka oo maalin ka hor  ay ku dhawaaqday xukluumadda  federalka Soomaaliya oo ay wehliyeen madaxda maamullada qaar dalka ka jira.

Wararka hoose oo la helayo shirka ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka ay joogeen musharraxiin dhowr ah, kuwaas oo saluug ka qabay arrimaha doorashooyin, mana jiro wax war ah oo ku aadan shirka oo kasoo baxay labada dhinac .

Warar ayaa waxaa intaas ku darayaan in ay adkaatay in labada dhinac ay gaaraan isfaham ku aadan arrimihii laga wadahadlayey ee ku aadanaa doorashooyinka iyo maamullada ka maqan doorashada qaranka iyo arrimo kale.

Kulankaan ayaa waxaa kusoo aadayaa iyadoo midowga murraxiinta ay sheegeen in aysan  suurtogal aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho aan loo dhameyn oo maamullada qaarkood ay ka maqan yihiin sida Puntland iyo Jubbaland.

Goobjoog News