U bood dhigaalka

Midowga Musharraxiinta oo Beeniyey Hadalkii Kasoo Yeeray Dhanka Dowladda

Sheeko:Baarlamaanka

Afhayeenka midowga Musharaxiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal shalay kasoo yeeyahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo warbaahinta u sheegay in jawaab uu ka waayey madaxda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Musharraxiinta.

“Arrintaas maahan xaqiiqo, waa arrin xaqiiqada aad uga fog, Axmed Cabdi Kaariye Jawaab naguma soo celin, Mahdi Guuleed Jawaab naguma soo celin, goloyaasha kale raggii ka tirsanaa  ee naga tagay jawaab naguma soo celin, bal waxaan ku baaqnay in qaarkood xafladda ay kusoo laabtaan si aan arrintii jawaab uga helno, arrintaasna ma dhicin, waxaa ay aheyd arrin la yaab ah inuu hadalkaas soo yeero, dadka Soomaaliyeed waa in ay isku yimaadaan” ayuu yiri.

Sidoo kale Ridwaan oo siihadlaayo ayaa yiri ”  Sedex qodobo ayaa laga muujiyey walaac aad u badan, waxaa ay kala ahaayeen guddiyada doorashada ee xukuumaddu ay sameysay oo ay ku jiraan shaqaalaha dowladda rayidka ah oo ay ku jiraan xubno ciidamada ka tirsan kuwa nabadsugidda oo ay ku jiraan Diblomaasiyin iyo dad kale oo taageerayaal ah masharax madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo”

“Waxaa kale oo arrimaha Consign laga muujiyey waxaa ka mid ahaa arrimaha Somaliland oo doorashadoodui ay magaalada Muqdisho ka dhaceyso oo ay aheyd  in maamulka, habraac iyo guddiyada doorashadaas loo daayo guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi oo isagu ah xubinta ugu sareysa ee la doortay ee kasoo jeeda Somaliland ayna tahay isaga oo la tashanaayo siyaasiyiinta kale oo Ra’iisalwasaare ku-xigeenka uu ku jiro iyo madaxda kale ee goboladaas kasoo jeeda in ay qabtaan oo iyagu ay maamulaan oo habraaca dejiyaan” ayuu yiri.

Dhankale afhayeenka ayaa yiri” Waxaa Consign uu ka jiray arrimaha Jubbaland oo aan iyadana aan cadeynay inuu yahay maamulka dowliga ah ee ka jira Jubbaland oo uu hoggaaminaayo mudane Axmed Madoobe in maamulkaas isagu uu doorashadaas maamulo oo ay cadeyd in aysan dowladdu ogoleyn ama madaxweynuha Maxamed Cabdullaahi doorashadu ay u dhacdo sidii la rabay in madaxweynaha ay ku laabtaan oo ay jawaab ka keenaan ayuu ballanku ahaa muddo sedex cisho ah ayey waqtigaas qabsadeen, waxaan halkaan u fadhinay oo aan sugaynay aanan u ambobixin in arrintaas ay jawaab kasoo laabato, waxaa fajiciso ah inaan dhageysanay ra’iisalwasaaraha oo leh doorasho ayaa loo dhaqaqayaa Axmed Qoorqoona uu yiraahdo Jawaab ayaan ka weynay” ayuu Afhayeen Ridwaan.

Hadalka kasoo baxay midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo shalay xukuumadda oo ay wehlinayaan sedex maamul goboleed iyo gobolka Banaadir ay ku dhawaaqday in go’aan lagu gaaray in doorashada la godagalo, iyadoo ay xusid mudan tahay in madaxweyne Qoorqoor uu shirka jaraaid uu ka jeegay inuu jawaab ka waayey midowga Musharaxiinta iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland oo uu diray fariintii uu ka qaaday madaxda dowladda sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha xiligii uu hadalayey.

Goobjoog News