U bood dhigaalka

Milatariga Sudan iyo Mucaaradka oo Ku Guuldareystay Dhaqan Gelinta Xabad Joojin Rasmi ah

Sheeko:Caalamka

Weerarro dhanka cirka ah oo ay geysanayaan Milatariga Sudan iyo iska hor imaadyo ayaa waxaa laga soo wariganayaa magaalooyin ay kamid yihiin Khartoum iyo Umu Durmaan, taas oo meesha ka saareysa rajadii laga qabay in ay dhaqangasho xabad joojintii lagu dhawaaqay oo dhinacyadu ay ku heshiiyeen maalin ka hor  Jeddah.

Iska hor imaadyada ugu badan ayaa waxaa ay ka dhacayaan magaalada caasimadda ah ee Khartoum, taas oo ka dambeysay kadib markii Milatarigu ay isku dayeen in ay qabsadaan goobo hor leh oo ay ku sugan yihiin ciidanka uu hoggaamiyo General Hamdaan Daqalo oo dhowaan shaqada uu ka saaray taliyaha Milatariga Al-Burhaani.

Dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin, ka dib wadahadallo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga, waxaana dhinacyadu Todobaadkaan horaantiisii ay sixiixeen heshiis wadajir ah, taas oo noqon weysay mid dhaqan gasha, kadib markii ciidamada Milatarigu ay qaadeen weerarro ka dhan ah RSF.

Dadaallada ay garwadeenka ka yihiin Sucuudiga iyo Mareykanka ayaa ku dhow in ay fashilmaan oo dhinacyadu ay garariwaayan heshiis kama dambeyn ah, taas oo sabab looga dhigayo weerarrada Milatigu wadaan iyo in uu General Hamdaan uu ka careysan yahay xilkaqaadistii uu ku sameeyay hoggaamiyaha ciidamada Milatariga.

Gen Burhaan iyo Hamdan labaduba waxay soo ahaayeen guddoomiye iyo ku-xigeenka Golaha Sare ee talada haya siday u kala horreeyaan, tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii ee afgambigii militariga uu xukunka dalka la wareegay, waxaana ku-xigeenku markaas dalbaday in xukunka dalka dib loogu celiyo rayidka, taas oo la isku mariwaayay.

Dagaalka dalka Sudan ayaa waxaa uu noqday mid aysan ku kala adkaan dhinacyada, xilli rajo laga muujinayo in heshiis dhab ah lagu gaaro Sucuudiga, hey’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in tacadiyo ka dhan ah la geystay Aadanaha, iyadoo ciidanka mucaaradka dhankooda lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Haweenka.

Goobjoog News