U bood dhigaalka

Mooshin Cusub oo Maanta laga Diiwaan Geliyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa la horkeenay mooshin cusub oo laga diiwaan geliyay fadhigii goalha.

Mooshinkan ayaa u jeedadiisu tahay sidii loo dhameystiri lahaa xubnaha baaralamaanka ee wali ka maqan baarlamaanka cid buuxisayna aaney jirin.

Xildhibaan Maxamuud Yaxye waxa uu yiri:” waxaan rabaa inaan halkan ka akhriyo mooshin ay soo qoreen qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo aan ugu talo galay inaan golaha shacabka hortooda aan inaan kugu wareejiyo mudane guddoomiye mooshin u jeedadiisu tahay, dhameystirka matalaadda baaralmaanka ee beelaha ka maqan golaha shacabka”.

Mooshinka ayaa lagu diiwaan geliyay taariikh maanta 30.04.2016, iyadoo  guddoonku baarlamaanku  ay sheegeen iney waafajin doonaan xeer hoosaadka golaha oo haddii uu faaqo loosoo bandhig doono xubnaha si ay uga doodaan.

Goobjoog News