U bood dhigaalka

Mucaaradka Kenya oo Ku Baaqay Dibadbaxyo iyo Madaxweyne Ruto oo Jaanis Dalbaday

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha wadanka Kenya William Ruto ayaa maalintii Axadii ka codsaday mucaaradka inay fursad siiyaan wadahadallada, halka Raila Odinga, mucaaridkiisa ugu weyn uu ku boorriyay taageeryaashiisa inay mar kale isugu soo baxaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda, kuwaas oo amucaaradku ay qabanayaan xilliya dhow.

Kumannaan qof ayaa ka qaybqaatay mudaaharaad saddex maalmood socday dabayaaqadii bishii March, kaas oo ay hareeyeen isku dhacyo u dhexeeyay dibadbaxayaasha iyo booliiska, xilligaas oo mudaharaadayaashu ay weerar ku qaadeen goobo lagu cibaadeysto, kuwa waxbarasho iyo beer uu lahaa madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta.

Dibadbaxyada ayaa qeyb ka ahaa eedeymo musuq-maasuq ah oo lagu soo oogay doorashadii madaxtinimo ee dhacday bishii Agoosto ee sanadkii hore, taasoo uu Ruto si dirqi ah kaga guuleystay Raila Odinga. Khamiistii, Odinga, ayaa sheegay in dhinaca mucaaradku ay dib u billaabi doonaan dibadbaxyada, kadib bisha Ramadaan .

William  Ruto iyo isbaheysigiisa ayaa sheegay in doorashii sanadkii hore ay u dhacday si caddaalad ah oo daah furan isla markaana difaacay waxqabadkii dhinaca dhaqaalaha Kenya intii uu xilka hayay, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada, isaga oo sheegay inay shaki gelinayaan daacadnimada mucaaradka iyo qaybgalkooda.

Mucaaradka Isbaheysigooda uu hoggaamiyo  Odinga ee Azimio La Umoja iyo Isbaheysiga Ruto ee Kenya Kwanza ayaa isku khilaafsan nuxurka wadahadalka iyo cidda hoggaamineysa. Kenya Kwanza ayaa doonaysa in dhinaca mucaaradka wadahadallada ay ka qayb-galaan oo keliya xildhibaannada lagana doodo oo keliya soo xulista guddiga doorashada.

Xaaladda ka jirta dalka Kenya ayaa waxaa ay u muuqataa mid aan cago badan ku taagneyn, waxaana mucaaradku ay wali ku goodinayaan in ay qabanayaan mudaharaadyo ayku diidan yihiin dowladdakadib bisha Ramadaan, xilli maalmihii dambe xaaladdu ay u muuqatay mid degan, madaxweyne Ruto ayaa markale dalbanaya jaanis kale.
Goobjoog News