U bood dhigaalka

Muddeynta Mooshinka Jawaari Oo Khilaaf Horleh Dhalisay

Sheeko:Baarlamaanka

Warqad ka soo baxday guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Muudeey ayaa lagu muddeeyay mooshinka guddoomiyaha golaha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari in uu ku jiro ajendaha kulanka 3aad, kalfadhiga 3aad ee golaha shacabka 31da Maarso, 2018.

Dhinaca kale, guddoonka golaha shacabka oo hadda fadhi ku leh xaruntooda ayaa Goobjoog News u sheegay in muddeynta uu qabtay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Muudeey  ee Mooshinka Jawaari kaas oo lagu sheegay Maarso 31-deeda aaney ka tarjumeyn waqtiga saxda ee ay tahay in golaha la horgeeyo mooshinka.

Qaar ka tirsan xubnaha guddoonka golaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa  ku dooday in muddeynta aan lagala tashan guddoonka golaha shacabka, kana hor imaaneyso soo soo-jeedinta aqalka sare ee aheyd  laga soo bilaabo 18-ka bishan Maarso .

Hadalka labada dhinac ayaa u muuqda mid abuuri kara xasilooni-darro siyaasadeed taas oo ay horay uga digeen aqalka sare iyo hey’adaha kale.

Goobjoog News