U bood dhigaalka

Muddo Kordhin Loo Sameyay Waqtiga La Dhameynayo Doorashada Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan dhanka fogaan aragga ah oo ay yeesheen madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha doorashooyinka.

Shirka oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Maxamed  Xuseen Rooble ayna goobjoog ahaayeen madaxweynayaasha shanta dowlad gobaleed ee dalka ayaa lagu go’aamiyay in waqti dheeri ah lagu daro mudada la soo gabagabeynayo doorashada golaha shacabka.

Kulanka ayaa la isku afgartay in muddo 18 malin ah lagu soo gabagabeyo doorashada taas oo ku eg 15 bisha march.

Illa iyo hadda waxaa la doortay 179 xildhibaan oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka waxaana dhiman 96 xildhibaan.

Doorashadaan oo loo asteyay in maamul walba lagu qabto laba magaalo ayaa illa iyo hadda waxa aysan ka bilaabmin magaalooyinka Boosaaso, Galkacyo, Garbahaarrey iyo muqdisho oo aysan ka bilaabmin doorashada banaadiriga.

Si kastaba 25 febraayo oo maanta ku beegan ayaa lagu balan sanaa in gebi ahaanba la soo gabagabeyo doorashada golaha shacabka.

Goobjoog News