U bood dhigaalka

Muqdisho: Digniino loo diray qaar ka tirsan wadayaasha baabuurta

Sheeko:War
Guddoomiyaha degmada Hodan, Cabdulqaadir Cali  Kulane
Guddoomiyaha degmada Hodan, Cabdulqaadir Cali Kulane

Maamulka Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa digniin u diray wadayaasha gaadiidka ee sida qaldan Baabuurta u dhiga Wadooyinka degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdulqaadir Cali Kulane ayaa sheegay in Maamulkooda tallaabo adag uu ka qaadi doono shaqsiyaadka arrintan lagu helo.

Dhinaca Kale, Guddoomiyaha Degmada ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay nadiifiyaan hareeraha goobaha ay ku ganacasadaan.

Hadalka guddoomiyaha degmada Hodan Cabdulqaadir Cali Kulane ayaa ku soo beegmaya xilli laamaha ammaanka gobolka Banaadir ay ka digeen gawaarida qaar oo ay sheegeen in la dhigo hareeraha wadooyinka si loogu fuliyo qaraxyo.