U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir oo taageeray hawl galka hub ka dhigista

Sheeko:War
Bidix: Ismaaciil Macalin Cabdi Guure  iyo Cali Seeko
Bidix: Ismaaciil Macalin Cabdi Guure iyo Cali Seeko

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee magalaada Muqdisho shirkii toddobaadlaha ahaa ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo uu shir gudoominyay guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ahna Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudne Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaaa looga hadlay hawl gallada lagu arruurinayo hubka sharci darrada ah ee ay ciidamada amnigu ka wadaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo kulnka kadib shir jaraa’id u qabtay Saxaafada ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir uu soo dhawaynayo tallaabadii shalay ka dhacday degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir uuna maamulka Gobolka taageersan yahay hawlgalka hubka sharcidarada ah looga aruurinayo degmooyinka G/Banaadir ee Caasimadda Muqdisho.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada nabad sugidda dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerareen guri uu degenaa Axmed Daaci oo ahaa Hogaamiyihii hore ee degmada Wadajir.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ka wada howl gallo hub ka dhigis ah, waxaana howl gal todobaad ka hor ciidamada nabad sugida ku qaadeen siyaasiga Cabdi Nuurre Siyaad uu ka baxsaday.