U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Laga Xusay Maalinta 8 Maarso

Sheeko:Dalka, War

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xuska maalinta Haweenka ee sideeda Maarso, munaasabaddaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya Xildhibaanno iyo ururada bulshada rayidka.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka heysta dumarka waxaana ugu horayn ka hadlay goobta Diini Maxamed Diini oo ah guddoomiyaha ururada bulshada waxa uuna yiri.

“Wadamada Africa iyo kuwa islaamka gaar ahaan marka laga hadlayo dunida saddexaad saas oo ay tahay dumarkeenna bulshada kaalin fiican ayey uga jiraan “.

Caasho Sheikh caashuur oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xaquuda dumarka oo munaasibadda ka hadashay ayaa sheegtay in xilligan loo baahanyahay in wax badan laga qabto arrimaha xad-gudubyada iyo dhibaatooyinka ay la kulman dumarka Soomaaliyeed.

“Maanta oo kale Sideedda Maarso waa maalinta haweenka waxaa loogu talo galay in gabdhaha ay iska aruuriyaan lacago oo ay siiyaan kuwa dan yarta ah, ee maahan in maalinta Sideedda Maarso loo mashxarado oo dad lacag la siiyo haweenka kaliya kuma filna “.

Meelo badan oo ka mid ah dunida ayaa laga xusaa maalinta haweenka ee Siddeeda Maarso, iyada oo weli ay Soomaaliya ka jiraan caqabado badan oo ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed.

Goobjoog News