U bood dhigaalka

Muqdisho:Waalidiinta carruur iyagoo isku dhegan dhashay oo gargaar dalbaday(Sawirro)

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”42″]

 

Wasiirka haweenka iyo xaquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta booqatay waalidiiinta caruur isku dhegan oo dhowaan ku dhashay magaalada Muqdisho.

Waalidiinta ubadkan ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay ku war geliyeen in gudaha dalka aan wax looga qaban Karin caruurtan isku dhegan. Waxa ay sidoo kale sheegeen in caruurtooda wax looga qaban karo dalalka Iiraan, boqortooyada Sucuudiga iyo Jarmalka sida ay u sheegeen dhaqaatiirta.

Caruurtan oo ah labo gabdhood ayaa is kaga dhegan sinaha iyo caloosha, waxa ayna wadaagaan hal beer.

Waalidiintooda ayaa u sheegay wasiirka haweenka iyo xaquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye in boooqasho kaliya aysan waxba u tareyn maadaama bay yiraahdeen uu maalinkii ciida booqasho ugu tagay wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Ugu dambeyntii Waxa ay ugu baaqeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo cidii wax awooda inay gacan ka geystaan qalliinka ubadkooda.

Labada caruur ee isku dhegan ayaa ku dhashay Isbitaalka Ibnu Siinaa ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay hadda ku suganyihiin.

Sawir qaade:Munasar Maxamed Cabdi