Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka 2aad ee maamulka goboleedka Hirrshabeelle ayaa goordhow shahaadooyinka aqoonsiga murashaxa guddoonsiiyey musharaxiinta ku tartamayo qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen ee maamulkaasi.
Qabashada xilka guddoomiyaha ayaa waxaa u taagan murashaxiinta kala ah Murashax Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Murashax Maxamuud Maxamed Goodir, waxaana ay ku tartami doonaan codadka 90-ka xildhibaan ee golaha wakiillada Hirshabeelle, kii guuleysta ayaana noqon doona guddoomiyaha.
Sidoo kale guddiga ayaa waxaa ay shahaada aqoonsiga ay siiyeen Murashaxiinta u taagan qabasha ku-xigeenka 1-aad ee Baarlmaanka iyadoo ay ku tartamayaan Murashax Saadaq Salaad Warsame iyo Murashax Siraaji Sheekh Isaaq, iyagoo ku hardamayo codadka xildhibaannada.
Dhanka kale waxaa ku xigeenka 2-aad shahaadada aqoonsiga ay guddiga doorashada ay u siiyeen murashaxiinta kala ah Murashax Mahad Xasan Cismaan iyo murashax Marwo Canab Axmed Ciise oo ku tarmaysa ku –xeenka ee golaha wakiillada Baarlmaanka 2-aad maamulka goboleedka Hirshabeelle.
Xildhabaannada ayaa maalinta barrito ah waxaa ay dhageysan doonaan khudbooyinka murashaxiinta iyadoo maalinta arbacada ah oo taariikhdu tahay 4 bisha la qaban doono doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo labadiisa ku –xigeen sida ku cad jadwalkii uu soo saaray guddiga.
Xilka Guddoomiyaha
Ku-xigeenka 1-aad.
Ku-xigeenka 2-aad
Goobjoog News