U bood dhigaalka

Mursal: Ma Aqbaleyno Doorasho Dadban

Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal oo maanta hadlay ayaa sheegay in aan marnaba la aqbaleyn doorasho dadban iyada oo golaha uu ansixiyey sharciga doorashada.
Guddoomiye Mursal oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Ma aqbalayno doorasho dadban iyadoo aan ansixinay sharcigii doorashooyinka”.
Mursal waxaa uu intaa ku daray in sharciyada doorashada ay leeyihiin baarlamaanka oo aaney go’aan ka gaari karin dowlad goboleedyada.
 Mahad Cabdala Cawad ayuu safarkiisa Dhuusamareeb ku sheegay mid aan shaqo ah, aanu mataleyn golaha shacabka ee iskiis u baxay.
Goobjoog News