U bood dhigaalka

Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo La Diiwaan Gelinayo

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada Jowhar ka socota  qabashada araajida musharxiinta utaagan qabashada  xilka guddoonka baarlaamaanka 2-aad ee Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana lasoo gaban gabeen doona isla maanta sida ku cad jadwalka doorasho ee uu soo saaray guddiga doorashada.

Musharaxiinta isdiiwaan geliso ayaa lagu wadaa in maanlinta barrito ah ay khudbadahooda ka horjeediyaan Baarlamaanka oo ay uga hadlayaan wax qabadkooda haddii ay ku guuleystaan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka labaad Hirshabeelle.

Sida ku cad qoraal soo baxay guddiga doorashada guddoonka  , waxaa lasoo saaray jadwalka doorashada guddoonka baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle, waxaana lagu wadaa in 4-ta bishan iney dhacdo doorashada guddoonka iyo ku-xigeennadiisa, waxaana xigi doona doorasha madaxweynaha maamul goboleedka iyo ku-xigeenkiisa.

Goobjoog News