U bood dhigaalka

Musharixiinta Madaxweynaha Oo Maanta Isdiiwaan Gelinaya

Sheeko:War

Waxaa maanta oo Axad ah la filayaa in ay magaalada Muqdisho ay ka bilaabato diiwaan gellinta iyo shahaado siinta musharixiinta xilka madaxweynanimada ee Soomaaliya.

Xilli caasimadda muddooyinkii la soo dhaafay ay marti gelinaysay diyaar garowga doorashada madaxweynaha ayaa la filaya in ay bilaabmaan olalihii ugu dambeeyay ee musharixiinta.

Guddiga doorashada baarlamaanka ee Madaxweynaha ayaa maanta u asteeyay in ay bilaabato diiwaan gelinta iyo shahaado siinta musharixiinta xilka madaxweynaha.

11-ka iyo 12-ka bisha ayaa sidoo kale la dhageysan doonna khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.11-ka iyo 12-ka bisha ayaa sidoo kale la dhageysan doonna khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo asteeyay in ay dhacdo 15-ka biishaan May, xilli guddiga ay xalay ay shaaciyeen habraca laga rabo in ay soo maraan musharixiinta daneyneysa xilkaas.

Siyaayisiin xilal kala duwan horay dowladda uga soo qabtay iyo kuwa ku cusub saaxadda siyaasadda iyo hoggaanka ayaa todobaad kadib isku herdin doonna loolanka hanashada xilka madaxweynaha.

Goobjoog News