U bood dhigaalka

Musharaxiinta Guddoomiyaha Iyo Ku-Xegeenka 1aad Oo Ka Hor Khudbeeyay Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya oo shir ku yeesha magaalada Muqdisho ayaa maanta dhageystay khudbadaha mushirriixnta xilalaka guddoomiyaha Golaha iyo Ku xigeenka Koowaad.

Kulan oo ahaa kalfadhigga 1-aad kulankiisii shanaad ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Cismaan Cilmi Boqorre, ajandaha kulanka ayaa ahaa ayaa ka koobnaa saddex qodob oo kala ah; dhaarinta xildhibaanno ka mid noqnayay golaha shacabka, hadal jeedinta Musharraxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo hadal jeedinta Musharraxiinta Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha.

Kulanka markii furmay ajanadahana ay xubnuhu ansixiyeen ayaa waxa ugu horreyn la dhaariyay Labo xubnood oo kala ah ; Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan iyo Muuse Ismaaciil Jaamac oo si rasmi ah uga mid noqday Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dhaarinta ka dib, ayaa waxa la sii gudo galay hadal jeedinta xubnaha u tartamaya guddoonka iyo ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka iyadoo illaa 10 musarrax maanta laga dhageystay khudbadihii ay soo diyaarsadeen ee ay ku doonayeen in lagu doorto, waxqabadkoodana ay ku soo bandhigayeen.

Musharraxiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Hadal jeedinta Sameeyay

Xil. Abdifitaax Maxamed Ibraahim.

Xil.Cabdirashiid Maxamed Xiddig.

Xil.Idiris Axmed Takar.

Xil. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari.

Musharraxiinta Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Hadal jeedinta Sameeyay

Xil.Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuday.

Xil.Farah Sheekh Cabduqaadir.

Xil.Jeylaani Nuur Ikar Sh. Suufi.

Xil.Khadiija Maxamed Diiriye.

Xil.Khalid Macow Abdulqadir.

Xil.Saciid Xuseen Iid.

Berri oo isniin ah waxaa lagu wadaa in la dhageysto murashaxiinta guddoomiyaha 2aad ee golaha shacabka, si 11-12ka bishan loo doorto guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa.

Goobjoog News