U bood dhigaalka

Muslimiinta Sierra Leone oo Laga Qaaday Xayiraaddii Dhanka Xajka ee in Muddo ah Saarneyd

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha dalka Sierra Leone ‘Ernest Bai Koroma’ ayaa Talaadadii shalay ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay in Xujeydii ugu horreysay ee dalkiisa ka socotaa ay gaaraan dhulka Barakeysan ee Makka al-Mukarama, kadib in mudda ah oo ay xayiraadi saareyd, si ay u gutaan waajibaadkii Xajka ee sanadkan.

Dalka Sierra Leone ayaa Labadii sano ee ugu dambeysay uu xayiraad ka saarnaa dhanka Xajka, sababtuna ahayd cudurka “Ebola” oo dalkaa si weyn ugu faafsanaa lana diidyay iney saameyntiisu gaarto dadka Xujeyda ah ee Dunida daafeheeda iskaga imanaya.

Madaxweyne Ernest Bai ayaa tiradii ugu horreysay ee Xujaday oo gaaraysay 800 oo qof ku sagootiyay garoonka diyaaradaha ka hor inta aaney u safrin Makka al-Mukarama, iyadoo la filayo in Xujey kale ay dalkaa ka baxdo maalmaha soo aaddan.

Madaxweynaha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Xujeyda dalkiisu ay ku adkeysteen iney Xajka aadaan iyadoo ay jirtay in muddo Labo sanno ah ay si weyn ula tacaalayeen cudurka Ebola oo dhibaato culus u horseeday, dad farabadanna ay u geeriyoodeen gudaha dalka Sierra Leone.

Waxa uu intaa sii raaciyay oo uu yiri; ” Diinta Islaamku waa diin Nabadeed, Dulqaad iyo Walaalnimo, taas oo ka soo horjeedda sawirka ay xagjirku ka gudbinayaan Islaamka”, dadkii Xajka aadayayna waxa uu kula dardaarmay iney  muraayad u noqda oo nabadda ka shaqeeya xilliga Xajka iyo marka uu dhamaado labadaba.

17 Marso ee sanadkan ayaa ururka Caafimaadka dunida WHO uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in la soo afjaray gabi ahaanba cudurkii khatarta ahaa ee Ebola,  lagana ciribtiray guud ahaan dalka Sierra Leone.

Cudurkana Ebola ayaa December 2012 waxa uu ka dillaacay Galbeedka Afrika, waxayna ahayd markii uu ugu khatarta badnaa ka dib helidda cudurkaa oo 40 sano ka hor ahayd, dadkii uu dilay cudurkaas isku darkoodu waxay gaarayeen illaa 11 kun oo qof.

Goobjoog News