U bood dhigaalka

Muudey Oo Mar Kale Muddeeyay Mooshinka Jawaari

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku adkeysanaya ka doodida  Mooshinka Jawaari, isaga oo tilmaamay in dooda Mooshinka ay beri dhaceyso.

Haddaba qodobada uu soo saaray guddoomiye ku-xigeenka 1-aad halkan ka aqriso.

1 . Xeer hoosaadka Golaha Shacabka Qodobkiisa 9-aad, faqradiisa 4-aad wuxuu dhigayaa “Mooshinka Xil-ka qaadista Guddoomiyaha Golaha shacabka waxaa laga doodayaa loona codeynayaa 10 cisho oo maalin shaqo ah gudahood, laga bilaabo taariikhada Mooshinka la keenay Golaha”. Sidaas darteed Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha waxaa Golaha la horgeynayaa maalinta Sabtida ee ay Taariikhdu tahay 31/03/2018.

2 . Sida sharcigu na farayo Guddiga joogtada  ah ee Golaha Shacabku wuxuu hawlaha Baarlamaanka  siiwadaa Ajandaha kalfadhiga soo socdana dejiyaa markii Xildhibaannada golaha fasax ku jiraan, laakiin markii goluhu furan yahay ma laha wax saameyn sharci ah oo ay go’aanno ku gaaraan .

3 . In Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay sharciyan aanu ku hadli Karin magaca Golaha Shacabka inta arintiisa goluhu go’aan ka gaaro.

Goobjoog News