U bood dhigaalka

Muungaab Oo Loo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda

Ogoosto 10, 2016

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Miudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa oggolaadey soo jeedinta magacaabista Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Magacaabista Mudane Muungaab waxaa soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Madaxweynaha oo tixraacaya soo jeedintaasi ayaa rasmi ahaan u oggolaadey una saxiixay soo jeedintaasi oo dhaqan gashey shaley oo taariikhdu ahayd 09, August, 2016.

S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015. Waxaa ka hor uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida intii u dhexeysey August, 2010 ilaa bishii February 2014, isagoo sidoo kale isla maxkamaddaasi ka soo noqday garsoore.

————————–DHAMMAAD———————-—-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya