U bood dhigaalka

Muungaab oo Maanta La Kulmay guddoomiyayaasha degmooyinka G.Banaadir (Sawirro)

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”38″]

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Jenaral Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay dhamaaan 17-ka gudoomiye degmo iyo howl wadeenno kale oo ka tirsan Dowladda hoose.

Ujeeddada Kulanka ayaa aheyd sidii bulshada Soomaliyeed ee ku dhaqan caasimadda ay farxad iyo damaashaad ugu ciidi lahaayen,  waxna looga qaban lahaa xaalaadda amaanka maalmaha Ciidul fitriga ah,  sidoo kale  Gudoomiyaha Gobolka ayaa ku amaanay gudoomiyaasha degmooyinka qaabka ay ula shaqeeyaan hay’adaha amaanka .

Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is caawiyaan maalmaha Ciida fitriga, bulshada tabaalaysana laga farxiyo, wuxuunaa yiri gudoomiyihu “anagu waan qaadannay doorkeena bulshadana waxanaa leennahay qaata doorkiina” .