U bood dhigaalka

Muuqaal: Xildhibaan Sheegay Sida Kaliya Ee Lagu Heli Karo Ammaanka Guud Ee Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdifitaax  Qaasim oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay sida kaliya ee loo heli karo xalka arrimaha amniga guud ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in dhallinyarada Soomaaliyeed oo shaqo abuur loo sameeyo ay tahay waxa kaliya ee lagu heli karo amni sugan uu guud ahaan dalka ah.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay fadhiyaan dhallinyaro waxbaratay misane aan shaqo haysan.

“Amni Darada dalka xalka loo haayo kaliya waxa uu yahay shaqaaleysiinta dhallinyarada, wadadan Makka Al-mukarrama kaligeed haddii aad marto waxa dhallinyaro fadhiya oo meelaha shaaha lagu cabo oo shaqo la’aan ah waxyaabo aad iyo aad u xanuun badan waayey, waa wax aad noo dhibay, waa xalka kaliya dalkaan amnigiisa lagu sugi karo oo ah dhallinyaradan in la jiheeyo oo shaqo abuur loo sameeyo” ayuu yiri xildhibaanka.

Sanad walbo waxaa jaamacahada ku yaalla dalka kasoo qalin bedasha Kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah, misane aan helin wax shaqo ah.

Halkaan hoose ka daawo:

Goobjoog News