Muuse Biixi iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo Ka Hadlay Dib u Bilaabidda Wada Hadalka Muqdisho iyo Hargeisa

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland gaaray wafdi uu hoggaaminaayo safiirka Soomaaliya u qaabilsan dowladda Ingiriiska Amb. Ben Fender, waxaana garoonka diyaarada Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhoweeyey madax ka trirsan Soomaaliland.

Safiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinaayay u qaabilsanaha dowladda Ingiriiska kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow, waxaana ay kulan kula qaateen xarunta madaxtooyada madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Safiirka ayaa madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay arrimo ku aaday doorashooyinka dhowaan ka qabsoomaya Soomaaliland, wafdiga ayaana boggaadiyey horumarka Soomaalinland ay uga gaareen dhanka doorashooyinka iyo sida ay ugu sii tilaabsanayan dimoqoraadiyadda ee dhanka horumarka iyo doorashooyinka.

Dhanka kale safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Amb. Ben Fender ayaa madaxweyne Biixi kala hadlay sidii Soomaaliland ay markale ugu soo laaban laheyd miiska wada haladii kala dhaxeeyay Soomaaliya oo hakad ku jiray muddooyikii danbe.

Ugu danbey uqaabilsanaha dowladda Ingiriiska kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow, iyo madaxweyne Muuse biixi ayaa kala sixiisday wajigii 2aad kaalamada dowladda Ingiriiska kaga qeyb qaadaneyso sandanduuqa horumarinta Soomaaliland.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

  1. Goobjoog Tv waad kumahadsantihiin U adegida Bulshada somaliyeed .
    Waxaan In balan dhageystaa Aqristaana Warbiximaha Goobjoog tv –
    Tv waxaan kawayay Barnaamij waxbarasho oo Sida wararka Aad u gafikirtaan Oo kale Inan ugafakirin –
    Sawabta Ayaan Garan wayay Warbahinta Goobjog waxaan Hawada usomarinayaa in Waxbarashada Kalin buuxdo aysiyaan Warbahinta Oo kumarti qadayso Organizations ama ururka Bulsheeda Kadhisan Waxbarashda .

    Tusaale
    Waxaan ahay Xibinkamid ah Ururka awooda Dhalinyarada soomaaliyeed-
    Head of Education Somali Youth Power S.Y.P
    Waxaan sanadkasto Kaqeebqadanaa Ugargarista Ardayda Aan awwoodin waxbarashda Si’aysan ugaharin Heerka Aykajogaa Waxbarashada Anagoo Geeno jamacado iyo school .
    Madama aan Sidaa Usacidayno Ardayda Soomaaliyeed in Warbaahimaha Lagahelo Dhirigalin maxaa didaayo .
    Iskudaya Ad Aan Fikradeyda Wax un kala dhaxbaxdaan Bahda Goobjoog jira oo joogo goob kasto .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW