U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed oo Maseyr Dartii Loogu Dilay Switzerland

Sheeko:Caalamka

Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa Muwaadin Soomaaliyeed oo  lagu dilay magaalada  Geneva ee wadanka Switzerland, dilkaas ayaa waxaa  geeysatay Muwaadin kale oo Soomaaliyeed, waxaana kasoo baxaya   faahfaahino .

Dilka ayaa waxaa la sheegayaa inuu la xiriiro arrimo maseyr ah, kadib markii ninka gacan ku dhiig laha ah uu ninka uu dilay ku eedeeyey inuu xiriir jeceyl uu la sameeyey xaaskiisa u dhashay caruurta sida ay sheegayaan wararka.

Dadka Soomaalida ah oo tagay goobta lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, ayaa isku deyey in qaadaan isaga oo xiligaas dhaawac ahaa, laakiin nasiib darro waxaa uu u geeriyooday dhaawac halis ahaa oo ka soo gaaray Tooreyda.

Goobjoogjoog News