U bood dhigaalka

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika

Sheeko:Caalamka

Kooxo burcad Koonfur African ah ayaa habeenimadii xalay dalkaasi dil iyo dhaawac ugu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo kamid ahaa dhallinta u ganacsi tagatay dalkaasi.

Magaalada Durban oo ee Koonfur Africa  ayaa waxaa dil loogu geystay, marxuum ganacsade Cilmi Maxamed Dhagoole, kaas oo shaqeynayey goob ganacsi oo ay lahaayeen mumuwaadiniin Soomaaliyeed..

Sidoo kale burcadda dilka u geystay Marxuumka ayaa waxaa ay dhaaac u geysteen muwaadin kale oo Soomalaiyeed,  kaas oo durbaba loo qaaday goobha caafimaadka si loogu dabiibo.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa  inta badan dalkaasi loogu geystaa dilal iyo dhaawac, taas oo ay u dheer tahay ka dhaca inta badan loo geysto hantidooda, waxaana falkaas geysta kooxa burcad ah oo u dhashay dalkaasi.

Goobjoog News