U bood dhigaalka

Muwaadiniinta Turkida oo Maanta u Dareeraya Goobaha Codbixinta

Sheeko:Caalamka

Waxaa maanta muwaadiniinta dalka Turkiga ay u dareerayaan soo doorashada madaxweynaha iyo Baarlamaanka, waxaana dhinacyadu ay soo gabagabeeyeen ololahooda doorasha, xilli doorashada sanadkaan ay tahay middii ugu adkeyd oo madaxweyne Erdogan uu ka wajahayo, isbaheysiga uu hoggaaminayo Kemal Kılıçdaroğlu

Sanaadiiqda cod bixinta oo furmay waxay furmi doonaan 08: 00 wakhtiga Turkiga waxayna xidhmi doonaan 17:00 galabnimo ee isla xilliga dalkaasi, waxaana jira muwaadiniin goor hore tagay goobta si ay codkooda ay u dhiibtaan, in ka badan 191,000 oo sanaadiiqada cod bixinta ayaa laga dhigi doonaa ilaa 1,094 degmooyin.

Muwaadiniinta codadkooda dhiibanaya ayaa waxaa lagu tilmaamay in ay gaarayaan 60 milyan 697 kun oo ruux, kuwaas oo xaq u eh inay dalka ka codeeyaan, Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharaxiin ah.

Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii, waxaana uu sheegay in ay dhisi doonaan dowladda ka madaxbannaan siyaasadda Shuuciga ah ee Ruushka.

Ninka siyaasadda Turkiga 1994 to 1998 kasoo bilaabay duqa magaalada Istanbul, ayaa markii sedexaad u tartami doona talada  dalka, waxaana uu ku faanay in 20 sano uu talinayay uu wax badan u qabtay dadka iyo dalka intaba waxaana uu sheegay in haddii la doorto uu wax badan ka badeli doono siyaasadaha Turkiga ee arrimaha dibadda.

Doorashada Madaxweyne Erdogan uu galayo ayaa sanadkaan ayaa ah mid shacabka Turkiga ay ku tilmaameen tii qarniga, marka laga anbo qaado in dalka Turkiga laga qaadayo ganaaxii la saaray, kadib markii ay dhacday 1923 Boqtooyadii Cusmaaniyiinta oo ay dhisantay Jamhuuriyadda Turkiga oo dhisay Mustafa Kemal Atatürk.

Goobjoog News