Muxuu Xambaarsanyahay Heshiiska Hubka Nuyuukleerka ee Iran ?

Waxaa dhawaan la saxiixay heshiiskii intii muddo ahba laga wardhawrayay ee hubka halista ah ee Nuyuukleerka dalka Iran la sheegey in ay heysato, haddaba waxaa la’isweeydiin karaa muxuu ka dhiganyahay heshiiskaasi, gaar ahaan siyaasadda Bariga Dhexe.

Heshiiska Iran iyo Maraykanka siyaasaddii Bariga Dhexe miisaan keedii ayuu dhinaca kale u rogay , hadaba dowladaha carabta ah ee guulaysatay iyo kuwa khasaaray waa kuma ? waa maxayse sababta Maraykanka dabcisay go’aanadiisii ku wajanaa ? yaase ku khasaari doona tartan hubka Nuclearka ah oo ka bilowda Bariga Dhexe?

Waxyaabihii ugu muhiim sanaa ee uu heshiisku taabanayay:

  • Ugu horeeyn: Hashiiska laguma xusin in Iran gabi ahaanba ay xaaraan ka tahay inay yeelato hubka Nuclearka , laakiin waxaa la hakiyay oo kaliya hankii Iran ay ku doonaysay inay yeelato hubka Nuclear-ka, waxaana wali xarumahaa sii maamulaya Iran, labada dhinacna waxay haystaan fursad . Iran waxay heshiiska ku heshay inay xaq u leedahay inay bacraminta samayso bacriminta macdanta yuraniyamka (Uranium) iyo inay xaq uleedahay inay haysato in ka badan 20-kun oo ah qalabka “Centrifuges” ee ah mishiinka laga dhaliyo tamarta Nuclearka , iyo dhamaan xarumaheeda in lagu bacramiyo yuraniyamka ee sharciga ah . Waxaa intaasi dheer oo ay Iran heshey in ay heysato Uranium-ka aan sharciga ahayn ama wadada sharciga aanan lagu helin ee laakiin sababaha rayidka loo isticmaalo .
  • Waxaa kaloo jira in wali Iran haysato caqligii iyo khibradihii ay ku sii wadan kari lahayd barnaamijkeeda bacraminta ah 10-sanno oo kale, waana inta heshiisku yahay , waxaa kale oo ay Iran heshay xaqa ah in wax laga waydiiyo mar kasta oo baaritaanno lagu samaynayo warshadaheeda bacraminta yuraniyamka , iyo inay is hor taagto in wax kulanno ah lala yeesho culumadooda dhanka sayniska ah , si ay is kaga ilaaliso inay ku dhacdo khaladkii ay ku dhacday dawladda Ciraaq hadda ka hor.
  • Iran inay hubka Nukliyeelka ah samaysato waxaa ka xiga oo kaliya 12-bilood marka uu heshiiskan mudadiisu dhamaato, waxaaba laga yaabaa in mudadaa wax ka yar ay ku qaadato, dhamaan shuruudaha lagu xiray oo dhani waa dhamaanayaan markay mudadaasi dhamaato, hadaba wax kasta filo inta mudadaa heshiiska lagu guda jiro.
  • Iran waxaa laga saarayaa dowladaha lagu asteeyey Sharta iyo Argagixisada , waxaa kale oo laga saarayaa liiska madoow oo ay hadda ku jirto , waxaaba laga yaabaa inay kamid noqoto dowladaha xulafada dhaw la ah reer galbeedka.
  • Iran waxay helaysaa 120-Bilyan oo doolar , lacagtaa oo horay looga xayiray wadanka Iran , waxayna ku helaysaa lacagtaa muddo bilooyin ah oo kooban , waxaan laga qaadayaa cuna-qabatayntii dhaqaale ee saarnayd, waxaa loo ogolaanayaa inay Yurub wax kasoo iibsato iyaduna u iib gayso, arinkaasi waxa uu ka dhigan yahay in gobolka uu ka soo baxayo Awood dhaqaale oo miisaan keeda leh, waxaana Iran u suurogalaysa inay abuurto boqolaal kun oo shaqo ah iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee aan xuduuda lahayn ee ay helayso darteed. Naaftada iyo dakhliga kasoo galaa waxay dakhliga guud ee Iran ka yihiin %33, laakiin dawladaha khaliijka waxa uu ka yahay %90 dakhliga guud ee dalalkaas.
  • Dowladihii xulafo wadaagga la ahaa dalka Iran heshiiska iyagoo guul wayn ka muujinaya iyay goobtii ka dareereen , sidaas oo kale waxaa heshiiskan aad ugu farxay dawladaha iyo ururada kaalmada ka hela dalka Iran , maxaayeelay Iran waxay noqonaysaa dowlad awood badan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan .

Maraykanka Miyuu Dib u Gurtay?

Haddaba su’aasha is waydiinte lihi waa ; maxaa ku kalifay maamulka Obama inuu galo heshiis noocan oo kale ah , kaas oo ah dib u gurasho siyaasadihii cadcaddaa ee uu ku doonayay inuu ku burburiyo nukliyeerka Iran , iyadoo la ogaa inuu gujisyo waawayn u soo diray dalalka khaliijka iyo ciidamada mariiniska ?

Jawaabtu waxay noqon kartaa sidan hoos ku xusan :

-Heshiiskan waxaa lagu badalan karaa waa dagaal , maraykankuna maanta khaatiyaan ayuu ka taagan yahay dagaal , waxaanuu doonayaa una qorshaysan inuu si tartiib ah uga siibto Bariga Dhexe iyo dagaaladiisa, waa sida ay sheegayaan dadka siyaasadda Maraykanka odorasa.

-Maamulka Obama waxa uu ka daalay inuu garab siiyo maamula carbeed oo aan naftooda ilaalin karin, maslaxadoodana aan difaaci karin , iyo in Maraykanku dagaallo galo isagoo difaacaya dalalkaa tabarta daran ee carbeed, waxaanuu hadda Maraykanku ku baraarugay ilaalinta nafta ciidamadiisu ay danaha Maraykanka ugu horayso , iyadoo waliba uu raadinayo meela kale iyo saaxibo kale oo mustaqbalka ka wada socdaan Koonfur Bari Asia iyo Afrika, kadib markii uu hubsaday inaanuu shidaad baahi wayni u hayn oo uu dalkiisa kala soo baxay in ku filan.

-Madaxwayne Obama waxaa la siiyay abaalmarinta Nobel Peace Prize bilowgiisii hore ee madaxtinimada , waxaanuu doonayaa inuu caalamka tuso sida uu ugu qalmay abaal marintaa , sidaasna uu taariikhda ku galo sida inuu yahay qof nabadda caalamka hormuud ka ah, sidaa daraadeed Cuba ayuu la galay heshiis, go’doomintii siyaasadeed ee uu ku hayay wuu soo af-jaray, waxaa ku xigay inuu Iran hashiis la galay arinkaas oo hor-dhac u ah soo noqoshada xiriirkii wanaagsanaa ee Iran iyo Maraykanka .

-Dagaalka dhabta ah ee Maraykanku waxa uu hadda ku wajahan yahay Bariga Dhexe iyo ururka “Daacish”, ururkaas oo awood u yeeshay inuu isna ballaariyo , in ururkaa guulo la taaban karo laga soo hooyo waxay ku xiran tahay kolba sida ay iskaashi ula yeeshaan Iran iyo Xulafadeeda.

Dowladaha Faa’iday iyo Kuwa ku khasaaray heshiiskan

Haddii aan eegno cidda guulaysatay iyo kuwa kale ee khasaaray ; waxaa jira dowlado carbeed oo hashiisku ku khasaaraysa, waana afar dowladood oo khaliijka ah , Sucuudi Carabiya, Kuwayt, Baxrayn, iyo qayb Imaaraadka kamid ah ;waa sida uu sheegayo muxallinka wayn ee arimaha carbeed Cabdil-Baari Cadwaan.

Dhanka kale dowladaha aan iyagu waxba khasaarayn waxaa kamid ah ;Cumaan iyo Imaarada Dubia, haddii Iran laga qaado cuna-qabataynta labada dhinacba faa’ido ayay u tahay , Cumaan waxay istaagtay meel dhexdhexaada dhibaatadii Iran oo cidna lamay safan , waliba waxay Cumaan marti galisay wada hadaladdii qarsoonaa ee sababtu u ahaa in heshiiska maanta la gaaro, arinkaas oo xoojinaya xiriirkii Iran iyo Cumaan, siyaasad ahaan , ciidan iyo dhaqaalaba.

Laakiin Dubai waxay ahayd xididka dhaqaale ee Iran u nool sanadihii lasoo dhaafay ee cunaqabatayna, haddii lasoo daayo 120-bilyan oo doolar oo ah lacagtii Iran laga xayiray arinkaasi waxa siwayn uga faa’idi doodan Imaaradda Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta, xalli waliba dhaqaalihii Khaliijku uu hoos u dhacay , sababtuna ay tahay hoos u dhaca ku yimid dakhligii shidaalka ee dunida kaas oo kala barna hoos u dhacay.

Waxaa haddaba jira dowlado carbeed oo iyagu Iran si toos ah xiriir ula leh oo ay kamid yihiin Suuriya iyo Ciraaq, lubnaana “Xisbullaah” iyo waliba ururka Xutiyiinta wadanka Yaman, sidaa oo kale waxaa jira dowlado kale oo colaadda Iran iyo Saaxiibtinimadeeda iska fogeeyay sida Masar iyo Al-Jeriya ku darso Tuunisiya iyo Muritaniya.

Isku soo duuduuboo hashiiskani waxa uu Iran uga dhigan yahay mid u keenay Guul ay kasoo hooyeen dublamaasiyadda iyo siyaasadda labadaba, waxaase ka horeeyay dhabar adayg badan oo ay ka samaysay wadahadallo aad u muddo dheeraa , waxayna muujisay sabar aad u wayn iyo dulqaad aan horay loo arkin.

Gabogabo

Ugu dambayn Sadex arimood oo aan hashiiska kamid ahayn ayaa inoo soo koobaya heshiiska maraykanka iyo Iran iyo dowlaha shanta ah ee caalamka ugu tunka wayn :

  1. Qosolka iyo Dhoola cadaynta ka muuqatay Max’ed Jawaad Dariif oo ah wasiirka arimaha dibadda ee Iran kaas oo muujinaysay sida ay dowladda Iran ugu farax santahay heshiiska la gaaray .
  2. Carada faraha badan ee ka muuqatay Benjamin Netanyahu , ra’iisul wasaaraha Isra’il iyo hadaladiisa laga dheehan karay sida uu uga xunyahay heshiiska qalinka lagu duugay ee Iran iyo Maraykanka iyo waliba dowlaha ugu tunka wayn caalamka ee reer galbeedka, waxaanu heshiiskaa ku tilmaamay khalad taariikhda galidoona iyo ilduuf loo sameeyay Iran.
  3. Dhirbaaxo lama filaana ayay ku noqotay caasimadaha dowlahadaha carbeed intooda badan iyo dowladihii xulafada dhow la ahaa Maraykanka gaar ahaan dowladaha Khaliijka ,waxaa caasimadahaa ka jira aamusnaan ballaaran iyo naxdin gariir siyaasiyiinta iyo warbaahintaba aad ka dheehan karto.

-Heshiiskani waxa uu sababayaa tartan dhinaca hubka Nuclearka ah oo ka bilowda bariga dhexe , waxaana lagayaabaa in tartankani uu sababo in haybaddii carbeed ee la waysanaa 30-kii sanno ee lasoo dhaafay , isla markaana uu hoos u dhigo awooddii ciidan ee Isra’il , arinkaas oo ka dhigan inuu soo af jarmi doono kibirkii faraha badnaa ee Isra’il iyo in la go’doomiyo dhinac kasta dalka Isra’il.

W/D : Khadar Xuseen

Goobjoog News

 

 

 

 

 

 

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW