U bood dhigaalka

Myanmar: In Ka Badan 557 Qof Oo Lagu Dilay Tan iyo Bishii Labaad Ee Sanadkaan

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan 557 qof ayaa lagu dilay banaanbaxyadii ka dhacay Myanmar tan iyo markii Afgambi Militari  xukunka lagaga tuuray dowladdii rayidka  Feb1,  sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee hay’addaha u dooda xuquuqda.

Warbixinta ay soo saareen Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in 2,658 qof ay hada kujiraan xabsiyada, halka ugu yaraan 235 kalena loo diray waaran soo qabasho.

Dibadbaxayaashu waxay buuxiyeen jidadka Myanmar muddo ka badan laba bilood oo ay ka soo horjeedaan afgembiga, iyo xarigga Aung San Suu Kyi, lataliyahii ugu horreeyay ee gobolka, iyo hoggaamiyeyaasha kale ee xisbigeeda National League for Democracy, oo ku guuleystay doorashadii Nov. 2020.

Ciidamada Militariga ayaa isu soo baxyada ay dhigayaan shacabka kaga jawaab celinaya Rasaas , sababtay dhimashada dad badan .

Militeriga ayaa bilabay in ay Habeenkii dadka guryaha ugu daataan , iyadoo boqolaal shacab ah guryaha loogu dhacay xilliyada dambe ee habeenkii.

Magaalada ugu weyn ee Yangon Axaddii, koox mudaaharaadayaal ah ayaa abaabulay ‘Easter Egg Strike’. Markii ay marayeen jidadka, dibadbaxayaashu waxay ku dhawaaqayeen halku dhigyo waxayna u dhiibeen ukumo ay ku jiraan farriimaha dibadbaxa.

Banaanbaxyadu waxay sidoo kale ka sii socdeen magaalooyin ay ka mid yihiin Magway, Mandalay, iyo Bago, iyagoo weli ka biya diidaan Xoogga Militeriga ay adeegsanayaan .