U bood dhigaalka

Naadiga Ardayda Minxadda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation oo maanta si rasmi ah loo daah furay iyadoo munaasabada ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin sare.

Sheeko:Waxbarashada

Munaasabad lagu daahfurayay naadigii ugu horeeyay oo ay yeelanayaan ardayda deeqada waxabarashada ay siisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo ay ka soo qeyb galeen wasiirka Wasaaradda waxabarashada xukuumada Soomaaliya Faarax Sheikh Abdulkadir, xildhibaano ,masuulyiinta ugu sareeysa hay’adda Hormuud Salaam Foundation, wakiilo ka socoday guud ahaan bahda waxbarashada, culimaa uwdiin araday iyo Walidiin ayaa maantay lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalda Muqdisho.

Naadigan cusub aya waxaa ku mideeysan 120 Arday oo deeqa Waxbarasho ay siisey Hormuud Salaam Foundation iyo kuwa hada kadib ay siin doonto.

Cabdulahi Nuur Cusman Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa faahfaahiyay ujeedada loo asaaasay naadigan isagoo sheegay in uu ardayda isku xiri doono isla markaana ka qeyb qaadan doono hormumarintooda iyo iska warqabkooda.

Qaar ka mid ah Ardayda  ay deeqa waxbarasho siisay Hormuud Salaam Foundation iyo Walidiinta ka soo qeyb galay munaasabadaan aya  hay’ada uga mahad celiyey arintaan iyo isgarabtaagooda joogtada ah.

Dr Maxamed Maxamuud Bideeye Gudoomiyaha midowga jaamacadaha Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Cabdullahi Galaanbe gudoomiye ku xigeenka Rugta Gancsiga iyo warshadaha soomaaliya, Cabdirashiida Cali Caynanshe oo ka mid ah masuulyiinta Shirkada Hormuud iyo xildhibaan Yuusuf Xayle oo munaasabad ka hadalay ayaa dhankiisa bogaadiyay  Hormuud Salaam Foundation.

Wasiirka Wasaaradda waxabarashada Xukuumada Soomaaliya Faarax Sheekh Abdulkadir oo Munaasbada soo xiray aya shegay in mar walba uu la shaqeeyna doona kuwa Bulshada gacan siiya dhanka waxbarashada iyo dhanka hormarinta oo ay ugu horeeyso Hormuud Salaam Foundation.

Hormuud Salaam foundation ayaa si sanadlaha u siisa deeqo waxbarsho ardayda dhameysata dugsiyada saree e dalka

Goobjoog News