U bood dhigaalka

Nalalka ku shaqeeya ilayska cadceeda oo laga hir geliyay Kismaayo

Sheeko:War
Kismaayo
Kismaayo

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in is bedel xaga amaanka ah laga dareemayo magaalada Kismaayo kadib markii lagu xiray wadooyinka Kismaayo layrarka (nalalka) cadceeda ku shaqeeya.

Guddoomiyaha xaafadda Far-Janno ee magaaladaasi Xasan Xareed oo ka hadlay is bedelka laga dareemayo amaanka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in wadooyinka lagu xiray layrarka ilayska qoraxda ku shaqeeya ay xilli dambe isticmaalaan gaadiidka dadwaynaha, taasi oo uu sheegay inay keentay iftiinka magaalada.

Xasan Xareed ayaa tilmaamay in dhinaca kale dib u dayac tir lagu wado xarumaha maamulka ee magaalada Kismaayo, ayna ka mid yihiin  Bankiga magaalada iyo xarunta Caymiska oo loo qorsheeyay barlamaanka maamulka KMG Jubba.

Waxa uu ugu dambayn sheegay in wadada xiriirisa Jaamacada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha la saarayo laami casri ah oo qayb wayn ka qaadan doona isu socodka gaadiidka iyo dadka.