U bood dhigaalka

Nin Dad Ku Laayay Gudaha Mareykanka oo Dowladdu Aqoonsatay

Sheeko:Caalamka

Maamulka gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa magacaabay nin hubeysan oo siddeed qof ku dilay xarun laga dukaameysto oo ku taalla Dallas, waxaana magaciisa lagu sheegay Mauricio Garcia, oo 33 jir ah, kaasoo jeeda Dallas laftirkiisa, ayaa waxaa toogtay askari booliis ah oo ka qayb galayay taleefoon kale oo aaggaas ka dhacay.

Sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden ninka hubaysan ayaa weerarkii Sabtidii u adeegsaday qoriga noociisu yahay AR-15, wuxuuna soo xirtay qalabka dagaalka, Baarayaal ay soo xiganeyso warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in laga yaabo in uu xiriir midigta fog lahaa, taas ay kleentay inuu ku kaco falkaan lagu dilay Rayidka.

Toogashadaan ayaa waxaa ay ka dhacday suuq weyn oo laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Dallas gobolka Texas, falka ayaa dhacay xilli mashquul badan uu ka jiray Suuqa, maadaama dadku maalmaha fasaxa ah ay u soo dukaameysi tagaan suuqa, falkaan ayaa dowladdu ku sheegtay mid uu fuliyay wiil Da’ yar oo reer Texes .

Goobjoog News