Talyaaniga: Nin Soomaali Ah Oo Magdhow Loo Siiyay 4 Milyan
Sheeko:Dalka

Nin Soomaali ah oo xirnaa 17 sano, kaasi oo lagu eedeeyay in uu dilay labo wariye oo u dhashay Talyaaniga ayaa magdhow loo siiyay lacag ku dhow 4 Milyan .
Ninkan ayaa waxaa lagu magacaabaa Xaaji Cumar Xasan waxaana la xiray ka dib markii lagu eedeeyay dilka wariye RAI Ilaria Alpi iyo sawirqaade Milan Hrovatin, kuwaasi oo Muqdisho lagu dilay sanadkii 1994.
Weriyaashan ayaa Soomaaliya u yimid si ay uga sameeyaan baaritaanno la xiriira eedeymo ah in shirkado laga leeyahay dalka Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraadiga sunta lagu shubo xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya.
Goobjoog News