U bood dhigaalka

Ogaw Wax Walbo Aad  Ugu Baahantahay In Aad Ka Ogaato Kulanka Adag  Ee Kooxaha Dekedda Iyo Muqdisho City Club

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Muqdisho City Club ayaa ku balansan in ay wada dheelaan koobka Somali Super oo gogol xaar u ah furshada tartamadda kol ciyaareedka 2018-2019

09-May 2018-Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa ku gulaystay horyaalka Somali Premier League oo markii kowaad laga dhaqan geliyay dalka waxayna sidoo kale ku hanteyn markii labaad oo xariir ah waxaana u qaaday tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali).

18-October 2018-Kooxda Mqudisho City ayaa ku guulaystay koobka sanadaha ah ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxayna ka qaaday xidigaha Horseed,balse magaca ahaan waxa ay ku hanteyn Banadir Sports Club.

25-November 2018-Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda hoose xamar ama Muqdisho aCity Club oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo sanadihii lasoo dhaafay hanatay koobka weyn ee gudaha.

 

29-December 2018-koobka Somali Super waxaa 1-0 ku hantay xidigaha kooxda Elman,iyagoona kaga guulaystay naadiga Dekedda waxaana gool ku laad loo dhigay waqtigaa u dhaliyay Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) oo u iminka u dheelaya kooxda Horseed.

  • Tababare Xuseen Mabalangu tan iyo 13-May 2015 markii uu qabtay jagada kooxda Mqudisho wali kama uusan guulaysan kooxda Dekeda tartamadii kala duwanaa ay isla ciyaareen,isagoo ku wajahay tababarayaasha kala ah Cabdi Wali Maxamed Maxamuud iyo Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali).

  • Caadil Nuur Cali ayaa wajahaya kooxdiisa hore ee Muqdisho City Club,isagoo iminka ka tirsan naadiga xafidanaysa horyaalka.

  • Goolhaye Saciid Aweys Cali ayaa isna ka hor imaanaya kooxdiisii hore ee Dekedda waxaana xidigan lagu soo iibsaday Lacag dhan 100,000,000 Milyan oo Shilling Soomali ah.

Is Araga Kooxaha Banaadir SC VS Dekedda

26/06/2012 Dekedda1:1 Banadir S.C

03/01/2014 Dekedda 2:4 Banadir SC

04/03/2014 Banadir SC 2:1 Dekedda

29/01/2015 Dekedda 0:2 Banadir SC

13/05/2015 Banadir SC 0:1 Dekedda

22/02/2016 Dekedda 1:1 Banadir SC

11/05/2016 Banaadir SC 0:0 Dekedda

09/03/2017 Dekedda 1:0 Banaadir SC

19/02/2018Dekedda SC1: 0 Banaadir S.C

16/04/2018 Banaadir SC 0:0Dekedda SC

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka:-
Somalia Super Cup 2018
Kooxaha:-Dekedda VS Muqdisho City Club
Tariikhda:-30-01-2019
Maalinta:-Arbaco
Saacada:-3:45pm
Garoonka:-Banaadir Stadium

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle