U bood dhigaalka

Ol’olah Doorasho ee Clinto oo Cambaareyn Usoo Jeediyay Agaasimaha FBI

Sheeko:Caalamka

Mas’uuliyiinta ugu sarsareysa ee ol’olaha doorasho ee xisbiga dimuqraadiga ah, ayaa cambaareeyay agaasimaha xafiiska Dembi Baarista(FBI) James Komei, in xafiiskiisu sheego in e-maillo cusub oo ay leedahay Hillary Clinton uu baaritaan ka furay xilligan xasaasiga ah.

Mas’uuliyiinta ugu sarreeysa ee ol’olaha doorashada Cilinton, Jon Podesta iyo agaasimaha ol’olaha Robby Mook, ayaa si kulul u cambaareeyay Komei Agaasimaha FBI-da, warqad uu u diray congress-ka oo uu ku sheegayo iney wadaan baaritaanno ku aaddan E-maillada Clinton iyadoo aan la kala caddeyn iney muhiim yihiin iyo in kale.

Podesta ayaa yiri: “Waxaan ugu baaqaynaa Mr. Komei inuu faahfaahiyo dhibaatada halka ay ka jirto”, waxa uuna intaa sii raaciyay muhiimadda farrimahani leeyihiin lama inaan la ogeyn. Isagoo markaa farta ku fiiqayay in farrimahani muhiimadda sidaa u sii weyn in aaney lahayn.

Farrimahan ay FBI-du ka fureen baaritaannada ayaa dhibaato soo gaarsiiyay ol’olaha doorasho ee Clinton, iyadoo ra’yi uruurintii ugu dambeysay ee soo baxday oo ay sameeyeen Washington Post iyo channelka ABC News la sheegayo iney kala horreeyaan 2 dhibcood oo qura oo ay ku hoggaamineyso Hillary Clinton.

Ol’olaha doorasho ee Donald Trump ayaa waxa uu xoogga saarey farriimahan laga baarayo E-maillada gaarka ah ee Clinton, iyagoo doonaya iney codbixiyeyaasha ku qanciyaan iney Hillary tahay qof aan u qalmin aqalka cad ee Mareykanka.

Goobjoog News