U bood dhigaalka

Ololaha Doorashada Turkiga oo Maraya Maalmihii Ugu Dambeeyay

Sheeko:Caalamka

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay maraya Ololaha doorashada dalka Turikiga ee madaxtinimada  iyo sidoo kale  Baarlamaanka, xilli doorashu ay dhici doonto 14-ka May oo muwaadiniinta dalkaas ay soo dooran doonayaan madaxda hoggaaminaysa dalka shanta sano ee soo aadan, waxaana isku haya xisbiga AK iyo kuwa midoobay.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu adkayd ee uu galo madaxweyne Erdogan, muddadii labaatanka sano ahayd ee uu dalkaas soo maamulayey, xilli uu ahaa Ra’iisulwasaaraha dalkaas iyo laba xilli uu madaxweyne ka noqday, waxaase wali muuqata in mucaaradku ay helayaan guulo, iyada oo aan la dafiri karin taageerada Etdugan heysto.

Dhinacyada ayaa waxaa ay taageerashooda goobaha ololaha ay ka sheegayaan waxyaabaha ay qabanayaan haddii la doorto, xisbiga talada haya ayaa ku faanaya waxyaabihii ay ka qabteen Turkiga iyo hormarkii la gaaray 20-kii sano ee ay talada hayeen, sida wax soo saarka dalka kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo la qabtay xilligaas.

Xisbiga AK Party uu hoggaamiyo madaxweyne Erduwagaan ayaa sidoo kale shiigaya in ay ka ka badali doonaan siyaasadda arrimaha dibadda dalka Turkiga oo ar wanaajin doonaan xiriirka kala dhexeeyo reer Galbeedka iyo Midoga Yurub iyo xiriirka xumaaday dowladaha Turkiga iyo Mareykanka oo gabi ka raaracay muddooyinkaan.

Xisbiga muucarada ah ee Jamhuuriga oo hore usoo aasaasay Mustafa Kemal Ataturk, oo hadda uu u sharaxan yahay Kemal Kilicdaroglu ayaa dhankooda waxaa lagu eedeeyaa in ay u janjeeraan reer Galbeedka iyo sidoo kale Mareykanka, waxaana goob fagaaro ah uu ka sheegay inuu doonaro inuu xiriir wanaagsan la yeesho Mareykanka.

Maalinta Axadda ah ee soo aadan ayaa waxaa lagu wadaa in gabi ahaan dalka Turkiga loo dhaqaaqo doorashada madaxweynaha iyo midda Baarlamaanka, waxaana doorshada sanadkaan lagu tilmaamay doorashadii qarniga, xilli Turkiga ay usoo idlaatay ganaaxii lasaaray 1923-kii oo ku eg sanadkaan aan ku guda jirno kadib 100 sano.

Goobjoog News