U bood dhigaalka

Porofessor Yaxye Caamir” Maamulka Gobolka Ayaa Ka Gaabiyay Bilicda Caasimadda”

Sheeko:War

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa xilligaan ka da’aya Roobka Xagaaga, waxaana uu sababay inuu biyo dhigo qaar kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan caasimadda, taas oo saameyn ku yeelatay isku socdka dadka iyo gaadiidka, waxaa weli asbuuc ka badan Roob u xiran wadooyinka qaar, kuwaas oo dhac degmooyinka gobolka Banaadir.

Porofessor Yaxye Shiikh Caamir oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News  ayaa  sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka gaabiyay xalinta mushaakilaadka roobabka iyo biyaha ay dhigaan, isaga oo intaas sii raaciyay in maamulka mas’uuliyad ay ka saaran tahay nadaafadda iyo bilicda caasimadda, isaga oo intaas ku daray in maamulka uu qaado canshuur ku filan.

“Dowladda hoose oo Darbigeedii meel u muuqda ay sidaas tahay,  oo sanka aad qabsanaysid, Mas’uuliyad darri ayaa ka muuqata meeshaas, ma ahan dowladda hoose ama shakhsi  jooga aan dhaliilaayo, laakiin waajib ayey idin ku leeyihiin dadka Xamarweyne jooga oo ayada ayey ku taallaa, guddoomiyaha degamadaas waxaa ay aheyd in la organize gareeyo” ayuu yuri.

“Waad tagi kartaa Kawaankii hore ee Xamarweyne, afartiisa dhinac mar, waxa yaalla adigaa yaabi doontid, tatalaabisi ayaad ku jiree maanta dhan. Anniga hadda Xamarweyne ayaan ka imid, Kobahayga fiiri, wixii ayaa ku yaalla, waxaa ay noqotay,  Saxarada, Eeyaha iyo waxa wada ganmaayo, degmada Canshuur ayaa laga qaadaa, ayuu sii raciyay hadalkiisa Yaxye Caamir.

Porofessor Yaxye Shiikh Caamir ayaan dhanka kale sheegay in loo baahnaa in laga fakaro Roobka inta uusan imaanin ka hor, waxaana xusay in loo baahnaa in la sameeyo goobihii biyaha ay mari jireen kuwa cusubna la sameeyo maadaama burburkii dalka ay ku baaba’een bulaacadihii biyaha qaadi jiray  ilaa Badda geyn jiray biyaha wadooyinka uu dhigo roobka ka da’a.

“Marka hore waxaa ay aheyd in la orsheeyo, saan biyo u fariisan laheyn meeshaan, magaalada Bulaacodo ayey laheyd biyaha qaado oo Badda geeyo oo waa daboolmee,  kuwa cusub in la sameeyo, ninka madaxda ah Bulletproof ayuu ku socdaa wadada kore ayuu maraa, meeshiina waa loo nadiifiyaa, laakiin dhinacyada kale mas’uuliyad darro ayaa ka muuqata” ayuu yiri.

Yaxye Shiikh Caamir ayaa gabagabdii wareysigiisa ku sheegay in xilligaan caasimadda uu saaran yahay Bandow, kaas oo aan wali la shaacin xilliga uu ku egyahay, waxaana lahakiyay Mooto Bajaajta oo  habeenkii 12:00 wixii ka dambeeyo aan socon karin, isaga oo carabka ku dhuftay in Tuugadu fiidka hore ay wax dhacaan mootoonka oo dhan aysan tuugada taageerin.

“Waxyaabaha ugu badan ee magaalada fududeeyo, inta badan shacabku isticmaalo waa bajaaj, Bajaajyo waa jiraan Tuugo gacan siiya, laakiin 1% madhamo, intaas darteen in wixii oo dhan loo xayio waa dhibaato jirta, lix saac kadib waxaa ay caawiyaan tuugada Mobilada dhacdo, Mobile maalin cadeey ayaa la dhacaa magaalada” ayuu yiri Porofessor Yaxye Shiikh.

Goobjoog News