U bood dhigaalka

Puntland: 8 Xildhibaan oo Xasaanadda Lagala Noqday

Sheeko:Baarlamaanka

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in goordhow ilaa 8 xildhibaan oo ka tirsan maamulka Puntland lagala noqday xasaanadda.

Arrintan ayaa timid kadib markii lagu eedeeyey iney ku tunteen xeerhoosaadka golaha wakiillada Puntland, sidaana looga saaray.

Codeyn ka dhacday golaha wakiillada waxaa codeeyey 35 xildhibaan ayaa ogolaaday, 3 xildhibaan waa diideen halka mid uu ka aamusay.

Wixii soo kordha, halkan kala soco.